Markab Talyaani oo ka badbaadiyey 65 Doon tahriib ah oo ka kaxaysay Libya
Markab xamuul qaada ayaa badbaadiyey 65 tahribiyaal isugu jiray caruur iyo haween, kana qaxayey Libya. Dadkan oo sarrnaa doon la buux-dhaafiyey, alwaaxna ka samysan, waxay ku socdeen Yurub
Doonta oo motorkeeda istaagay waxaa arkay diyaarad ay leeyiihin kooxda samafalka Seabird oo kor duulaysay badhtamaha bada Mediterrranean. Kooxdan qaxotiga ma aysan xidhnayd qalabka badbaadiska bada. Waxa ka badbaadiyey badweynta caalamiga markabka ASSO Ventinove, agagaarka ceelasha saliida Bouri, ka dib codsi uga yimi ururka Seabird.Weriye ka kirtsan Associated Press ay oo la duulayey diyaarda seabird ayaa goobjoog ka ahaa badbaadintaas.
Ka dib waxa yimid doonyo ka socday ciidanka xeebta Libya is ay u eegaan doontaas, Laakin waxa caado u ah maamulka Libya inay qaataan motorada doonyaha dadka laga badbaadiyo.
Asso Ventinove sheegtay in dhamaan dadkii ay dabbaddisay oo ay ku jiraan 5 carruur ay caafimaaad qabaan.
Ila iyo sannadkan dad gaaraya 44,000 ayaa ka soo gudbay bada Mediterranean gaaray Yurub. Dadka waxa soo qaada tahriibayaal isticmaala doonyo aan u qalmin safar badeed, waxayna ka soo qaaadan xeebaha Tuunisiya iyo Libya. Kalabadh dadka waxay ku soo degaan Jasiirada Lampedusa, oo u jirta masaafo ka yar waqoyi Afrika inta ay u jirto carriga Talyaaniga.
Ila Septmebet 25, in ka badan 25,000 oo qaxooti ah waxa qabtay ciidanka bada Libya oo ay tabareen Midowga Yurub.Waxaana lagu celiey wadan dagaal–baabiyey, warar laga soo xigtay UN.
Marka ay Libya ka degaan dadkan tahriibaya oo u badan Afrikaan, waxa lagu xareeyaa goobo aad u liita, oo ay kala kulmaan jidhdil, kufsi, Iyo adonsi.
Waxa sanadkan ku dhintay badhtamaha bada Mediterranean, in ka badan 1,000 oo qof, xog ay xaqiijisay IOM, ururka UN u qaabilsan socdaalka.
Xigasho:AP